Soomaaliya iyo Cumaan oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa khadka teleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Saldanadda Cumaan, Sayyid Badr bin Hamad bin Hamood Albusaidi, iyaga oo ka wahadlay arrmo muhiim ah.

Labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wadahadleen xiriirka adag ee labo geesoodka ah ee labada dal ee walaalaha ah ka dhexeeya iyo xaaladihii ugu dambeeyay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Labada wasiir waxa ay sidoo kale isla eegeen siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga iyo isku duwidda howlaha la danaynayo ee ku suntan dano wadaagga Soomaaliya iyo Cumaan.

Dowladda Cumaan oo kamid ah dowladaha Carbeed ayaa xiriir sidaasi u ballaarneyy la leh Soomaaiya , waxaana dalkooda ku sugan Soomaali farabadan, kuwaas oo wax ka bartaan.

Idilnews