Ammaanka magaalada Gaalkacyo oo si weyn loo adkeeyay, iyo Deni oo ka degaya

Ammaanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, xilli la sugayo inuu ka dego Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni.

Ciidammada Amniga Puntland ayaa howlgallo ka wada magaalada, iyagoona baaris ku sameynaya gaadiidka dadweynaha. sidoo kale Ciidanka xiray jidadka soo gala Madaxtooyadda Puntland ee Gaalkacyo, halkaas oo la filayo inuu degaan ka dhigto Madaxweyne Deni.

Sidoo kale, Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweyne Deni ayaa ka socota magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu in Madaxweynuhu xariga ka jaro inta uu ku sugan yahay Gobalka Mudug mashaariic hormarineed, oo ay kamid yihiin wajiga kowaad ee dhismaha dekedda Garacad iyo Garoonka kubadda cagta Cawaale, isagoona sidoo kale dhagax dhigi doona mashaariic ay kamid tahay Wadada Gaalkacyo – Garoowe.

Idilnews