Madaxweyne Biixi oo magacaabis cusub sameeyay (Akhriso)

Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi Abdi ayaa buuxiyay xilka Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah, oo uu iska casiley Baashe Cawil Cumar oo kamid ahaa xubnihii dhowaan uu magacaabay Madaxweyne Biixi.

Muuse Biixi ayaa Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble u magacaabay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland.

Halkaan Hoose ka Akhriso wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-711/092021 uu kaga Aqbalay Is-casilaadii uu hore u soo gudbiyey Baashe Cawil Cumar, kuna Magacaabay bedelkiisa.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: AQBALAAD IS-CASILAAD

Ku: Baashe Cawil Cumar

Mudane,

Waxa i soo gaadhay qoraalkaaga ku taariikhaysan 02/09/2021, ujeeddadiisuna tahay is-casilaadda xilkii laguu magacaabay ee Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Sidaa darteed, waxa aan kula socod-siinayaa in aan kaa aqbalay is-casilaaddaa laga bilaabo taariikhda maanta. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka iyo hawlihii aad u qabatay Qaranka.

UJEEDDO: MAGACAABID

MarkaanArkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Somaliland

Idilnews