Madaxweyne Karaash oo daah-furay Shir looga hadlayo Maamul baahinta Puntland (VIDEO)

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka wada-hadalka Dowladda dhexe iyo dowladaha hoose ee maamul baahinta Puntland.

Shirkan oo uu soo qaban-qaabiyey Xafiiska hormuudka arrimaha maamul baahinta Puntland oo kamida xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka ayaa looga hadlay daadajinta adeegyada aas-aasiga ah, sidii dowlada dhexe qoondo lacageed ugu jaangoyn lahayd horumarinta degmooyinka iyo soo dhisidda goleyaasha deegaanka ee degmooyinka qaar.

Kulanka waxa kasoo qayb galay Wasiirada wasaardaha bah-wadaagta la ah mashuurca horumarinta degmooyinka, gudoomiyeyaasha degmooyinka uu ka socdo barnaamijku iyo masuulyiin kale.

Idilnews