Mid kamid ah Wasiiradii uu magacaabay Madaxweyne Biixi oo Is-casilay

Danjire Baashe Cawil, oo dhawaan madaxweyne Biixi, u magacaabay Wasiirka ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in uu iska casilay xilkaasi ka dib markii la sheegay in uu saluugay.

Waxaa uu sheegay in uu madaxweynaha uga mahadcelinaayo in uu kusoo daray golaha wasiirada balse xilkaasi uusan dooneyn uu qabto, waxaa kaloo uu iska casilay wakiilkii Somaliland ee dalka Kenya.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayaa siddaan u qornaa:

Waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa qoraalkan aan iskaga casilayo xilka aad iigu magacawday Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Sidoo kale waxaan iska casilay xilkii Wakiilnimada Xafiiska Somaliland Ee Dalka Kenya, kaas oo bishii August 13 2018 aad ii magacowday.

Waa sunnaha siyaasida in shaqada qaranku tahay qori isku dhiib, sidaad darteed sharaf weyn ayay ii ahayd xilka aan qarankankayga u hayay uguna addeegayay lixdii sanadood ee aan ahaa Wakiilka Somaliland u matalaya UAE iyo Kenya.

Ugu dambayntii waxaan rajaynayaa in aad iga aqbasho codsiga aan halkan kuugu soo gudbiyay.

Idilnews