Ra’iisul Wasaare Rooble oo goor-dhaw ka hadlaya kiiska Ikraan Tahliil

Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa la filayaa inuu goor-dhaw uu ka hadlo kiiska Ikraan Tahliil oo aheyd sarkaal katirsan Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, taas oo muddo la la’aa kaddib ay NISA shaacisay inay afduubteen Al-Shabaab, ayna dileen, balse Al-Shabaab iska fogeysay eedaas.

Mucaaradka DFS, ehelada Ikraan Tahliil, culimo awdiinta iyo ururada bulshada ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha inuu soo fara-galiyo dhacdada Ikraan, uuna xilka ka qaado Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin ,si baaris loogu sameeyo, maadama lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay dilka gabadhan.

Idilnews