Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada-hadlay la-dagaalanka Al-Shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji oo booqasho ku jooga Dalka Turkiga ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Ee dalkaasi kula kulmay Dhiggiisa Turkiga, waxaana si wadajir ah ay salaan uga qaateen Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Turkiga.

Kulan ay yeesheen ayey uga wada hadleen Xoojinta Xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Labada Wasaaradood iyo Kordhinta taageerada iyo Tababarada Ciidan Ee dawladda Turkiga ay la garab taagantahay Soomaaliya.

Wasiir Xasan Xuseen ayaa kaga mahad celiyay dawladda Turkiga Taageerada Hagar la’aaneed ee ay la garab taagan yihiin dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ,Waxaana uu tilmaamay in Saraakiisha iyo Ciidamada lagu Tababaro Turkiga ay kaalin muuqata kaga jiraan CXDS ,Sidoo kale ay qeyb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisadda.

Idilnews