Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirka maalinta Africa oo soconaya Shiinaha

Danjire Cawaale Cali Kullane Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dal waynaha Shiinaha ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Maalinta Afrika ee hoos yimaada CIFTIS isagoo ku hadlayay magaca Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen madax uu ka mid yahay ergeyga Dowladda Shiinaha ee Arrimaha Afrika Marwo Danjire Xu Jinghu, iyo in ka badan 30 diblumaasi oo matalayay safaaradaha afrika ee ka howlgala Shiina iyo madax kale, iyadoo halkaasna sidoo kale qudbad ka jeediyay Safiirka dowladda Ruwanda Amb. James Kimonyo

Safiir Cawaale Cali Kullane ayaa qudbaddiisa xoogga ku saaray muhiimadda ganacsiga sida waxbarashada online-ka ah, la -talinta ganacsiga, daryeelka caafimaadka iyo dalxiiska si loo baro muwaadiniinta gudaha ageegsiga tiknoolajiyada cusub iyo adeegsigeeda, sarana loo qaado wacyigooda aqooneed.

Danjire Cawaale Kullane ayaa sidoo kale soo bandhigay kartida Soomaaliya ee tamarta cadceedda iyo tamarta dabaysha, wuxuuna ku dhiirri-galiyay shirkadaha awoodda u leh adeeggan inay maalgashadaan Soomaaliya iyagoo la kaashanayo dadka Soomaaliyeed, ganacsatada waa wayn kuwa dhexe iyo kuwa yar yar intaba.

CIFTIS (China International Fair for Trade In Services) ayaa ah xarun ay taageerto dowladda Shiinaha iyadoo furitaanka xafladdan ee sanadkii hore uu ka qayb galay madaxweynaha dalka Shiinaha mudane Xi Jinping.

Idilnews