Wasiir Jaamac oo kormeeray garoonka Cawaale ee Gaalkacyo (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Jaamac Faarax Muuse, ayaa maanta kormeeray garoonka kubadda cagta Cawaale ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Guddoomiyaha Guddiga dhismaha garoonka Cawaale Caasho Geelle Diiriye, iyo Masuuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyay garoonka Wasiir Jaamac, waxaana uu Wasiirku uu kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay garoonka oo si casri ah loo dhisay.

Garoonka kubadda cagta Cawaale ee magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu xariga ka jaro Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni.

Idilnews