Ciidanka Itoobiya oo sheegay inay ka baxayaan Soomaaliya (VIDEO)

Taliska AMISOM qeybta 3aad ee ka socda Ciidanka Itoobiya ayaa xaqiijiyay in maalmahan soo socdo ay ka bixi doonaan saldhigyada ciidan ee Buurdhuubo iyo Qansax Dheere ee Gobolada Gedo iyo Baay.

Qoraal loo diray Taliska Ciidanka xoogga dalka qeybta 60aad, Wasaaradda Gaashaandhigga, Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Koofur Galbeed ayaa lagu wargeliyay saldhiggyada ay Ciidanka ka socda Itoobiya ka baxayaan ee Sector 3, iyadoo ciidamada ka baxa Buurdhuubo iyo Qansax Dheere lagu xoojin doono saldhigyada ciidanka ee Garbahaarey iyo Bardaale

Sidoo kale, Taliska Ciidanka xoogga dalka ee SNA ayaa lagu wargeliyay inay la wareegaan saldhigyada ciidanka ay ka baxayaan ee Buurdhuubo iyo Qansax Dheere ka hor 21 September.

Idilnews

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.