Fahad Yaasiin oo si cajiib ah uga jawaabay dalabkii Ra’iisul Wasaare Rooble!

Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo la jawaabay dalabkii Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, ayaa dalbaday in Shir ay isugu yimaadaan Golaha Amniga Qaranka, si ay NISA warbixin dhameystiran uga dhiibto kiiska Ikraan Tahliil, sida ku cad waraaq kasoo baxday Xafiiska Fahad Yaasiin.

Qoraalka Agaasime Fahad Yaasiin oo og lagu siiyay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ee waqtigiisu dhamaaday Maxamed Mursal Sheekh iyo Wasiirka Amniga Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ayuu Fahad Yaasiin u diray Ra’iisul Wasaaraha, isagoona dalbaday inay shir isugu yimaadaan Golaha Amniga Qaranka, si uu warbixin ugu wada gudbiyo. Rooble ayaana ka jawaabin dalabka Fahad.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa 48 xalay u qabtay Fahad Yaasiin, si uu warbixin dhameystiran uga keeno kiiska Ikraan Tahliil, maadama aan lagu qanci karin xogtii ay baahisay Hay’adda NISA ee ahaa inay Al-Shabaab afduubatay, ayna dishay Ikraan, wallow Shabaab ay beeniyeen.

Talaabadan ayaa ka dhigan in Fahad Yaasiin uusan dooneyn in si gaar ah uu warbixin u siiyo Ra’iisul Wasaare Rooble, iyo mowjad cusub oo iska horkeento karta Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Idilnews