Gaalkacyo: Garoonka kubadda cagta Cawaale oo maanta xariga laga jaray

Waxaa lagu wadaa in maanta xariga laga jaro garoonka kubadda cagta Cawaale ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, iyadoo ay socoto qabanqaabadii ugu dambeysay ee munaasabadda xarig ka jarka garoonka.

Garoonkan oo loo dhisay si casri ah ayaa lagu hirgaliyay isku tashi bulsho, waxaana xariga ka jari doona Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo la filayo inuu goor-dhaw ka dego garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo.

Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni ayaa $200,000 oo kun dollar ku dartay dhismaha garoonka Cawaale.

Idilnews