Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo gaaray heshiis 4 qodob ah (VIDEO)

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mahdi M. Gulaid, ayaa heshiis ka gaaray khilaafkii ka dhex taagnaa labada masuul ee salka ku hayay doorashada Xildhibaanada Gobalada Waqooyi ee BJFS.

Heshiiskaan oo ka kooban 4 qodob ayaa dhigaya in lasoo afjaro khilaafka labada masuul ee ugu sareeya xubnaha Somaliland ku matala DFS, la isku dhafo xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee labada dhinac, ayna soo doortaan Guddoomiye lagu midaysan yahay kadibna si wadajir ah ay uga wada shaqeeyaan doroashada.

Idilnews