Midowga Yurub oo Safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya (Akhriso Taariikhdeeda)

Midowga Yurub ayaa safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya, kaddib markii uu xilku ka dhamaaday danjirihii hore ee Midowga Yurub Nicolas Barlenge.

Safiirka cusub ee Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa loo magacaabay Tiina Intelmann oo ah Haweeney u dhalatay Dalka Estonia.

Maxaan ka naqaana Safiirka Cusub ee Midowga Yurub ee Soomaaliya ?

Intelmann ayaa soo noqotay safiirka Estonia u fadhiya Boqortooyada Ingiriiska intii u dhaxaysay 2017 ilaa bishii Ogosto ee sanadkan. Intii u dhaxeysay 2014 iyo 2017, waxay ahayd Madaxa Ergada Midowga Yurub ee Liberia.

Intelmann ayaa ku biirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda 1991. Laga soo bilaabo 1999 ilaa 2002, waxay ahayd Ergeyga Joogtada ah ee Estonia ee Ururka Amniga iyo Iskaashiga Yurub (OSCE) ee Vienna. Laga soo bilaabo Maarso 2005 ilaa 2011, waxay ahayd Ergeyga Joogtada ah ee Estonia ee Qaramada Midoobay.

Intelmann waxay ahayd safiirkii Estonia ee Israa’iil intii u dhaxaysay 2010 iyo 2011, iyadoona sidoo kale soo noqotay safiirka Estonia ee Montenegro laga soo bilaabo Juun 2011. 12kii Disembar 2011, waxaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada.

Source: Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Estonia.

Idilnews