Wasiir Abgaal oo fariin u diray ganacsatada Gobalka Mudug (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo hawlo shaqo u jooga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug.

Kormeerka Wasiirka oo daarnaa u kuurgalidda hannaanka shaqada Wasaaradda Maaliyadda iyo Dar-dar gelinta qaadista Canshuurha, ayaa waxaa xarunta ku soo dhaweeyey Xisaabiyaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka mudug.

Wasiirka ayaa booqday xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda waxaana uu halkaas warbixino kaga dhagaystay maamulka iyo shaqaalaha xarunta.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa kulan gaar ah la qaatay Maamulka Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka mudug isga oo faray in la dar-dar galiyo canshuur qaadista iyo kobcinta dakhliga gobolka iyo Guud ahaan Puntland.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay In kor uqaadidda dakhaliga ay tahay mid ka go’an Madaxda Wasaaradda Maaliyadda si dawladdu u gudato waa jibaadkeeda shaqo ee horumarineed.

Ugu dambantii Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ugu baaqay dhammaan ganacsatada gobolka mudug iyo Shirkadaha ganacsi in ay bixiyaan canshuurta ku waaijibtay.

Idilnews