Akhriso: Midowga Musharixiinta oo taageertay go’aanka Ra’iisul Rooble

Midowga musharraxiinta Madaxweynaha ayaa boggaadiyay go’aanka uu RW Rooble shaqada kaga joojiyey agaasimaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharixinta ayaa waxaa lagu sheegay in go’aankaas uu fure u yahay caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay, isla markaana uu billow u yahay soo celinta sumcada hay’adda NISA.

Sidoo kale Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay sheegeen in baaritaan lagu sameeyay Taliyaja Nisa, sidoo kale qoraalka kasoo baxay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ay u arkaan mid lagu carqaladeeynayo cadaalad u raadinta qoyska Ikraan tahliil, lagu khalqal gelinayo amniga dalka iyo doorashooyinka.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Midowga Mushafixiinta oo ka kooban laba Bog ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay inay Ra’iisul Wasaaraha ku garab taagan yihiin cadaalad u raadinta Qoyska Ikraan Tahliil, arrimaha doorashooyinka iyo soo celinta sumcadda Hay’adda NISA.

Idilnews