Ciidammo ka amar qaata Farmaajo oo la wareegay Warbaahinta Dowladda

Ciidamo katirsan kuwa ilaalada Madaxtooyada oo dheeraad ah islamarkaana wata gaadiid dagaal ayaa la geeyay Wsaaradda Warfaafinta Soomaaliya waxayna ku sugan yihiin gudaha iyo dibadda Wasaaradda, iyagoo shaqaalaha galaya iyo kuwa ka soo baxaya weydiinaya aqoonsi.

Ciidankaan ayaa ka socda xafiiska Madaxweynaha ilaa hadana ma shaacin ujeedkooda, hase yeeshee waxay diideen in aqoonsi la’aan la isuga gudbo gudaha wasaaradda, sida, dhismaha Raadiya iyo kan TV-ga oo sidoo kale ay ku yaalaan xarumaha madaxda wasaaradda.

Lama oga sababta rasmiga ah hase yeeshee waxay arrintaan ku soo aaday iyadoo ay taagan tahay khilaaf u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble, kaasoo ka dhashay shaqo ka joojintii taliyaha NISA.

Idilnews