Hooyada Ikraan Tahliil “Waxaan Farmaajo uga digayaa in uu hor istaago Cadaalada Gabadheyda” (VIDEO)

Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada Ikraan Tahliil Faarax ayaa marka hore uga mahad celisasay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya go’aanka uu shaqada uga joojiyay Agaasimihii Hay’adda NISA oo ay ku tumeyso Gabadheeda oo ka tirsaneyd Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya.

Hooyo Qaali oo Warbaahinta kula hadashay Muqdisho ayaa waxaa ay ugu baaqday Ra’iisul Wasaaraha in uu horay u wado Cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil, isla markaana Shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin.

Sidoo kale Qaali ayaa uga digtay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu hor istaago cadaaladda uu Ra’iisul Wasaaraha u raadinayo Gabadheeda, sidoo kalena uusan fiirin saaxiibtinimada Fahad Yaasiin ee uu fiiriyo Cadaaladda ay u baahan tahay Gabadheeda.

Warkaan kasoo yeeray Hooyada Ikraan Tahliil ayaa kusoo aadaya xilli Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu Shaqadii ka joojiyay Agaasimihii Hay’adda NISA Fahad Yaasiin, balse uu diiday Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Idilnews