Jubbaland oo taageertay go’aanka Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku ceyriyay Fahad Yaasiin (Akhriso)

Qoraal kasoo baxay Maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu taageeray shaqo joojintii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu ku sameeyay Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugida& Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qoraal Jubbaland ayaa waxaa lagu cadeeyay in Jubaland ay ku qanacsan tahay tallaabooyinka uu qaadey Ra’iisul Wasaaraha ee kaga jawaabay codsiyadii isdaba jooga ahaa ee ka imanayay qoyska, qaraabada iyo shacab weynaha Soomaaliyeed ee lagu dalbanayey sidii ay cadaalad ku heli lahayd ikraan Tahliil.

Sidoo kale Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay u cadeynayaan Ummadda Soomaaliyeed in Ra’iisul Wasaaraha uu mas’uul ka yahay Amniga doorashada iyo hirgelinta qorshayaasha Amni ee dalka.

“Jubbaland waxay cambaareynaysaa mas’uuliyad darrada uu ku kacay Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhammaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee uu ku xagal daacinayo go’aamada iyo mas’uuliyadaha Ra’isul Wasaaraha dalka, wuxuu Farmaajo si buuxda ugu bidhaamiyey ummada Soomaaliyeed iyo dunidaba in shakhsi uu kala weyn yahay Qaranka Soomaliyeed, dulmiga iyo cadaalad darradana garab buuxa u yahay, taas oo horseedi karta carqaladeyn ku timaada hirggelinta doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka qabsoonta ayaa lagu yiri” Qoraalka Maamulka Jubbaland.

Idilnews