Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilkii ka qaaday Fahad Yaasiin, magacaabayna Bashiir Goobe (Akhriso)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gFederaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqada ka joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxa uuna si KMG ah Agaasimaha guud ee NISA ugu magacaabay Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Xil ka qaadistan ayaa timid saacado yar kaddib markii Fahad Yaasiin oo ka jawaabaya dalab 48 saac oo Ra’iisul Wasaare Rooble u qabtay Fahad inuu kusoo gudbiyo warbixin dhameystiran oo ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil, balse Fahad Yaasiin oo dhankiisa dalbaday inay kulan isugu yimaadaan Golaha Amniga Qaranka, taas oo lagu tilmaamay yasid uu Fahad yasay Ra’iisul Wasaaraha.

Idilnews