Wasiir hore Juxa oo sheegay inuu dalku galay fadeexad iyo fowdo siyaasadeed

Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) ayaa sheegay in dhacdooyinka 48-saac ee u dambeeyay muujiyeen in dowladda Federaalka Soomaaliya gashay fashil iyo fawdo siyaasadeed.

Qoraal uu soo geliyay bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay in madaxweyne Farmaajo oo raja-beel ka noqday kursiga uusan waxba xeerinayn taasina tilmaamayso” fashil dowladnimo iyo fawdo siyaasaeed”.

Ex. Wasiirk Juxaa ayaa muujiyay in shaqa-ku-celinta uu Farmaajo u sameeyay Fahad Yaasiin ay xaaladda uga sii darayso, xilli ay taagantahay fadeexadda ka dhalatay kiiska, Ikraan Tahliin Faarax oo ka tirsanayd hay’adda NISA taas oo raq iyo ruuxba la waayay.

“Madaxweyne Farmajo waxaa mudadii xil-hayntu ka dhamaatay 8-dii Febraayo 2021, waxaana keli ah oo is-af-garad siyaasadeed oo xil-gaarsiin ah iyo kalsooni xilliga kala guurka ah ku jooga RW Rooble.” Ayuu yiri juxaa.

Sidoo kale, Madaxda Dowlad-Goboleedyada, Hay’adaha Dawladda, xoogagga siyaasadda iyo Beesha Caalamkuba ayuu Juxaa ka dalbaday in ay Ra’iisul wasaaraha gacan buuxda ku siiyaan xilliga adag ee kala guurka.

Idilnews