Xasan Sheekh oo Farmaajo uga digay carqaladeynta Shaqada Ra’iisul Wasaarah

Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud kana mid ah Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa marka hore u hambalyeeyay Agaasimaha Cusub ee Ra’iisul Wasaare Rooble u Magacaabay hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ee Bashiir Goobe, isaga oo u rajeeyay in xilka uu alle ku guuleeyo.

War-Saxaafadeed uu soo saaray Xasan Sheekh ayaa waxaa uu ku sheegay in Ra’iisul Wasaare rooble uu mas’uul ka yahay dhammaan hay’adaha fulinta dalka oo ay ku jiraan kuwa ammaanka, isla markaana jiritaanka hay’ado ammaan oo aan ka amar qaadan ay albaabka u fureyso xasillooni darro iyo sameysanka kooxo hubeysan oo aan sharci ahayn, kuwaas oo dalka u horseedi kara burbur.

“ Waxaan ugu baaqayaa dhammaan qeybaha ka duwan ee bulshada in ay garab istaagaan dadaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu caddaaladda ugu raadinayo Ikraan Tahliil ayuu yiri” Xasdan Sheekh.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday in uu carqaladeynayo dadaallada Ra’iisul Wasaaraha, maadaama uu baarlamaanka iyo ummadda Soomaaliyeed hortooda ugu wareejiyay mas’uuliyadda dalka, kadib markii uu muddo xileedkiisu dhamaaday.”

Warkan kasoo baxay Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli inta badan Xubnaha mucaaradka ay tageereen Go’aankii uu Ra’iisul Wasaare rooble Shaqada uga joojiyay Agaasimihii Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Idilnews