XOG: Rooble oo kulan deg-deg ah la leh Saraakiisha Ciidanka DFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan deg-deg ah Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee DFS, Xeer ilaaliyaha Guud ee Ciidanka, Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Banaadir, iyo Agaasimaha cusub ee sida KMG ah loogu magacaabay Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Kulanka ayaa looga hadlayaa marxalada cusub ee uu galay dalka, iyo sidii Ciidammadu u xoojin lahaayeen Amniga Dalka, xilligan kala-guurka ah.

Kulanka ayaa kusoo aadaya xilli uu khilaaf cusub ka dhex taagan yahay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo salka ku haya kaddib markii Farmaajo ka horyimid Ra’iisul Wasaaruhu ku sameeyay Fahad Yaasiin, Agaasimihii NISA.

Idilnews