Ethopia: 150 qof oo macluul ugu dhintay gobalka Tigray

Xaalada Bini’aadamnimo ee ka taagan gobalka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa kasii dareysa, iyadoona xoogaga Tigreega ay sheegeen in ilaa 150 qof ay macquul tahay inay u dhinteen macluul daran.

Xukuumadda Itoobiya ayaan ilaa haatan ka falcelinin warkaas. Balse waxay horey u diiday eedo ay Qaramada Midoobay u soo jeedisay oo ah in ay gargaarka gobolkaa la xannibtay.

Madaxa beeraha ee kooxda TPLF Atinkut Mezgebo, ayaa sheegay in dadka iyo xooluhuba ay u dhimanayaan cunto la’aan “waxaana laga yaabaa in dhibaatada intaas ka sii weynaato ”.

Waxa aan macquul aheyn in si madaxbanaan loo xaqiijiyo eedeymaha maadaama khadadka taleefanka iyo internetka ay weli ka go’an yihiin gogbolka Tigray.

Balse hay’adaha gargaarka ayaa in muddo ahba ka digayay masiibo bani’aadamnimo. Qoraalka ay sii daayeen ciidamada Tigreega Isniintii ayaa lagu sheegay in dadka dhintay qaarkood ay ku jireen xerooyin ay ku noolaayeen dadka ka soo barakacay colaadda socota.

Idilnews