Guddiga Doorashooyinka Puntland oo xafiis ka furtay Gobalka Gardafuu (VIDEO)

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye Kuxigeenka TPEC Mudane Jaamac Xirsi Faarax ayaa gaaray degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu si ay uga furaan xafiiskii TPEC ee heer gobol kulamo wacyigelin ahna ula yeeshaan qaybaha bulshada ee degmada Caluula.

Furista xafiisyada heer gobol ayaa maraya mee gebogebo ah waxaana dhowaan la dhamaystirayaa hawlgelinta xafiisyada TPEC ee heer gobol dhamaan gobolada Puntland.

Idilnews