Kenya oo xafiis dublamasiyadeed ka furatay caasimadda Somaliland ee Hargeysa

Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah xafiis uga furatay Magaalada Hargeysa ee caasimadda Maamulka gooni goosadka ah ee Somaliland, sanad kadib markii labada dhinac ay fureen wada hadal ku saabsan iskaashi.

Warqad ku taariikhaysan 2 -da bisha September, ayay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu Kenya u dirtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Saraakiisha ay Kenya u dirtay xafiiska ay Somaliland ka furatay ayaa kala ah Benson Mwaliko oo ah Madaxa, Xafiiska Xiriirka, Charles K Waichari oo ah La -taliyaha Labaad, iyo Grace Musau iyo Ronald Nyakweba oo ah Ku -Xigeennada Maamulka.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo daba-yaaqadii sanadkii la soo dhaafay ku kulmay Nairobi ayaa waxay hoosta ka xariiqeen afar arrimood oo waqti cayiman lagu dhaqaaqayo, si loo muujiyo saameynta wadashaqeynta, kuwaas oo kala ah.

1: In Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ilaa dhammaadka bisha March ee sanadka 2021-ka. Muddadaas gudaheedana Somaliland waxay sii horumarineysaa howlaha xafiiskeeda Nairobi.

2: In Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha nooceeda ah ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos isaga kala gooshada Nairobi iyo Hargeysa meeshii loo gaaro dabayaaqada bisha March ee 2021-ka.

3: In saraakiisha sar-sare, oo liiskooda lasoo gudbinayo, ay dal ku galka ku qaataan gudaha Kenya marka ay u soo safraan, taasoo la hirgalinayo ilaa dhammaadka bisha March ee 2021-ka.

4: In saraakiisha sar sare ee Kenya iyo Somaliland ay isku waafaqaan xogta iyo waqtiga la hirgalinayo barnaamijyo isweydaarsi ah oo lagu hormarrinayo Xirfadleyda beeraha, Ardayda, Dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha iyo xirfadleyaasha kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay waxaa ay uga carootay dalka Gini iyo dalal kale oo xiriir diplumaasiyadeed la sameeyay Xukuumadda Soomaaliland oo aaminsan inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale,waxaana tallaabadan ay kusoo aadayaa xilli db loo soo celiyay xiriirkii xumaaday ee u dhaxeeyay Soomaaliya & Kenya.

Idilnews