Madaafiic lagu garaacay saldhig ay leeyihiin Ciidanka Puntland

Weerar hoobiyayaal ah ayaa xalay lagu qaaday saldhiga Ciidammada Daraawiishta Dowladda Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee gobalka Bari.

Hoobiyayaashan oo ahaa ilaa 5 ayaa la sheegay inay soo tuureen maleeshiyaad katirsan kooxda Al-Shabaab, Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaana uga jawaabay hubka culus.

Ma jirto ilaa hada khasaare la ogyahay oo ka dhashay weerarkan madaafiicda ah ee Al-Shabaab kusoo qaaday Ciidanka Puntland, waxaana ka socda saaka deegaanka Af-urur iuo nawaaxigiisa howlgallo ay wadaan Ciidammada Puntland.

Idilnews