Waa sidee xaalada Ra’iisul Wasaaraha Canada oo lagu qaaday weerar ? (VIDEO)

Ra’iisal wasaaraha Kanaada Justin Trudeau ayay dibadbaxayaal careysani la eegteen dhagax tuur xilli u ku guda jiray ololaha doorasho Canada.

Justin Trudeau oo kasoo baxay warshad kuna sii jeeday baskii uu watay ayaa dhagxaan lagu tuuray. balse waxaa la sheegay inuusan ku dhaawacmin dhacdadaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Canada ayaa doorasho wakhtigeeda laga soo hormariyay ku baaqay in la qabto bishan isagoo rajeynaya inuu aqlabiyad u hela xisbigiisa bidix dhexe oo uu dowlad cusub u soo dhiso.

Balse ololihiisa waxaa hareeyay dibadbaxyo ka dhan talaalka Covid 19 iyo tallaabooyinka ay dowladdiisa soo rogtay ee la xiriira tallaalka.

Idilnews