XOG: Farmaajo iyo Rooble oo shir dhex-dhexaadin ah uu goor-dhaweyd u bilowday

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble, ayaa waxaa goordhoweyd u bilowday shir lagu dhex dhexaadinayo oo ay goobjoog ka yihiin Taliyeyaasha Ciidamada oo uu ku jiro Taliyihii KMG ee NISA Sarreeye Guud Bashiir Goobe.

Shirkan oo yimid kaddib 30 saac oo khilaaf ka dhex taagnaa Labadan Nin, ayaa waxaa Ra’iisul wasaaraha ku wehlinaya Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Carab oo ah saaxiibkiisa dhow.

Sidoo kale waxaa la sugayaa Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS ee waqtigiisu dhamaaday Cabdiweli Muudey oo waan waanta xalay soo bilaabay, sidoo kale waxaa la filayaa inuu ku soo biiro Guddoomiye Maxamed Mursal Cabdiraxmaan.

Idilnews