XOG: Maxay ka wada-hadleen Farmaajo iyo Bashiir Goobe ?

Sida ay ogaatay Idilnews Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan la qaatay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka S/Guud Bashiir Goobe.

Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa ahaa is-xogwareysi, iyadoona Farmaajo uu saaxiibnimo dhow ka raadinayay Bashiir Goobe oo habeen kahor uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble kaddib shaqo-joojin uu ku sameeyay Fahad Yaasiin.

Dadka ka faalooda arrimaha siyaadda ayaa sheegay in kulankan uu u muuqdo inuu Farmaajo uu aqbalayo magacaabida Agaasimaha KMG ee Hey’adda NISA, sidoo kalena loo arki karo inuu ka tanaasulayo mowqifkiisa diidmada ee shaqo ka joojintii Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin.

Idilnews