Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Talaabada uu qaaday Farmaajo saddex eed ayay qoorta u suraysaa”

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook kaga hadlay talaabooyinkii ugu dambeeyay ee uu qaaday Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo jawaabaha adag iyo eedeymaha uu Ra’iisul Wasaare Rooble uu soo saaray.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Tallaabada uu Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday qaaday saddex eed ayay qoorta u suraysaa.

1- In uu dilka Ikraan Tahliil wax ka ogaa, maadaama uu difaacayo, xalayna uu xilal u magacaabay Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Fareey oo ka mid ah seddaxda ruux ee lagu tuhunsan yahay dilka Ikraan Tahliil.

2- Caddaalad isku hor-gudbid (Obstruction of Justice), maadaama uu diiddan yahay in kiiska la baaro, oo laga gungaaro xaqiiqdiisa dhabta ah.

3- Abuuris qalqal amni iyo mid siyaasadeed, si ay doorashooyinku dib ugu dhacaan.

Haddaba, in uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamad Xuseen Rooble, ku eedeeyo in uu cadaaladda hortaagan yahay, carqaladayna ku hayo doorashooyinka, tuhunna geliyo in uu kiiska ku lug leeyahay waxay ahayd jawaab sax ah.

Ra’iisul Wasaaraha, waxaa laga rabaa in uu Taliye Bashiir xilka ku wareejiyo, xarunta NISA na geeyo. Guddigii uu baaritaanka u xilsaarna waa in ay tillaabo ka qaadaan shakhsiyaadkii hor istaagay baaritaanka oo ay Fahad iyo Fareey ugu horreeyaan.

Tallaabooyinka Farmaajo qaaday waxay liddi ku yihiin fariintii ay soo dirtay Hooyo Qaali Guhaad, Beesha ay ka dhalatay Ikraan, iyo shacabka Soomaaliyeed ee cadaaladda jecel. Waxay kaloo liddi ku tahay baaqii shalay ka soo baxay beesha caalamka oo ay ku sheegeen in aan xiisadda taagan looga sii derin, kiiska Ikraanna si hufnaan leh loo baaro, isla-markaaana hogggaanka doorashooyinka looga danbeeyo RW Rooble.

Haddaba waxaan ugu baaqayaa madaxda dawlad Goboleedyada, saraakiisha amniga iyo siyaasiyiinta rajada ama cabsida ka qaba in ay Farmaajo iyo Fahad awood la soo noqdaan, in ay indhaha kala furaan. Farmaajo waa nin quustay oo kaligiis aag cidla ah ka diriraya, ruux kasta oo doonta degaysa sii saarnaadana wuu la quusayaa.

Idilnews