NISA oo sheegtay in Fahad Yaasiin uu xilkii ku wareejiyay Yaasiin Farey!

Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ah ee Twitter-ka ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-suggida Qaranka ayaa lagu sheegay in taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin uu xilka ku wareejiyay Gaashaanle Sare Yaasiin Farey oo uu xalay magacaabay madaxweyne Farmaajo.

“Waxaa Taliska Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka ka dhacday munaasibad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee HSNQ, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud. Waxaan Alle uga rejaynaynaa in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee uu Madaxweynaha JFS u igmaday” ayaa lagu yiri Twitter-ka NISA.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka horyimid magacaabistii taliyaha Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud.

Qoraal rasmi ah oo uu saasaray Rooble ayuu sidoo kale ku amray Sarreeye Guuto Bashiir Maxamed Jaamac oo uu shalay xilka sii-hayaha NISA u magacaabay inuu si ‘degdeg’ ah u bilaabo shaqadiisa. Waxaana xogo ay heshay Idilnews ay muujinayaan inuu jiro qorshe uu galabta ku booqanayo Xarunta NISA Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo uu xilka kula wareegayo Bashiir Goobe.

Idilnews