Xiisad ka taagneyd xarunta Hay’adda NISA oo haatan qabowday

Ciidammada Waran ee gacanta ku haya xarunta Maama Khadiijo ee Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa is hortaag ku sameeyay Ciidanka Duufaan oo qeyb ka ah NISA, kuwaas oo maanta doonayay inay la wareegaan xarunta.

Ciidammada oo uu horkacayay G/Sare Yaasiin Farey oo xalay uu Farmaajo sheegay inuu u magacaabay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda NISA, ayaa diidmo adag kala kulmay Ciidanka Waran, waxaana xiisad saacado taagneyd kaddib ay Ciidanka Duufaan isaga baxeen hareeraha xarunta Maama Khadiijo oo dhufeysyo ay ka sameysteen.

Idilnews