XOG: Akoonadii Hay’adda NISA ee bangiyada oo la xanibay

Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa sheegaya inuu Raysal Wasaare Rooble xiray dhamaan xisaabaadkii bangiyada uga furnaa hay’adda sirdoonka Qaranka ee NISA.

Waa bangiga dhexe & dhamaan bangiyada gaarka ah ee ay ganacsato Somaliyed ay leedahay ayaa amar uu ku siiyey Raysal Wasaare Rooble inay xiraan xisaabadka uga furan NISA taas oo ay dhamaan wada aqbaleen.

Tani waxa ay suurto gelineysaa in si dhib yar loogu wareejiyo xilka Taliska NISA General Bashiir Goobe isla markaana wax dhaqaale ah aysan kala bixin bangiyada Fahad Yasin iyo Farmaajo.

Idilnews