Muxuu kala hadlay Madaxweyne Deni Guddiga Amniga Gobalka Mudug ?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Gaalkacyo ayaa caawa warbixinta amniga ee Gobolka Mudug ka dhegaystay Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland.

Guddiga ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda Gobolka, horumarada laga sameeyay dhinaca amniga oo Dowladdu guulo ka gaartay iyo qorsheyaasha Amni ee diyaarsan.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee laga qabtay Gobolka oo isbedelkeedu uu ka muuqdo guud ahaan Gobolka, wuxuuna laamaha amniga faray in lasii dardargeliyo Howlaha Amni ee socda.

Idilnews