Sheekh Shariif oo kusoo laabtay Muqdisho, kana hadlay kiiska Ikraan Tahliil (VIDEO)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed, ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib safar uu muddo ugu maqnaa Dalka dibeddiisa.

Sheekh Shariif oo shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay khilaafka Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo salka ku haya kiiska Ikraan Tahliil.

Sheekh Sharif, ayaa tacsi u diray qoyska ehalada ikraam Tahliil, Waxa uuna sheegay in aan la aqbali karin, Waxa uuna sheegay in cadaaladda la horkeeno cidda ka dambeeysay.

Ugu dambeeyn, Madaxweyne Sheekh Shariif, ayaa dul istaagay khilaafka taagan, Sheekh Shariif, ayaa sheegay in duuladnimadu ay asal u tahay sharciga oo la dhowra.

Idilnews