Wasiirka Amniga oo la wareegay xilka (VIDEO)

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur oo uu shalay xilkaas u magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu.

Wasiirka Caddaaladda ee XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhaariyay wasiirka cusub.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu si hufan u guto howsha muhiimka u ah qaranka ee loo igmaday si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka.

Sidoo kale, Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga Gudaha ee XFS ayaa maanta Xilka la wareegtay ,ka dib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta wasaaradda ee magaalada Muqdisho, ayna ka qeyb galeen wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo mas’uuliyiin kale.

Idilnews