Dilalka Soomaalida loogu geysanayo Koonfur Africa oo kor u kacaya

Waxaa maalmihii lasoo dhaafa sii kordhay dilalka iyo Afduubka loo geysanaayo ganacsatada Soomaaliyeed eek u sugan dalka Koonfur Afrika, waxaa wali la’ yahay qaar ka mid ah oo la aaminsan yihiin in ay afduubteen kooxo burcad ah.

Gaanacsade soomaali ah ayaa lagu afduubtay magaalada johannesburg , kaasoo lagu Magacaabo bukhaari cali daahir .

kooxda dableeyda ee afduubka geeystay ayaa inta aysan ganacsadaha gacanta ku dhigin ku riday dhowr xabadood inkastoo aysan wax khasaara ah geysan

Lama ogo sababta ka dambeeysa afduubka ganacsadaha hasa ahaate waqtiyadii ugu dambeeyay afduubk wuxuu ahaa mid so laab laabtay

Booliska magalaada Johannesburg ayaa baaraya dhacdada, afduubka ee loo geystay ganacsadaha Soomaaliyeed .

Sidoo kale Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa gudaha dallaas waxaa ay ku dileen muwaadin Soomaali ah, kaas oo kamid ahaa Soomaalida Ganacsi ahaan u tegay dalkaas.

Muwaadinka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Gacal ayaa lagu hor toogtay dukaankiisa oo kuyaal Xaafadda Belhar oo ka tirsan Magalada Cape Town ee Dalkaasi Koonfur Afrika

Idilnews