Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland oo kulan yeeshay

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 1-aad ee Guddiga Joogtada kaas oo madax-guddiyeedyada Golaha looga dhagaystay warbixino la xiriira arrimaha bulshada, amniga, dhaqaalaha iyo xaaladda Caabuqa COVID 19 ee Puntland.

Fadhiga maanta ayaa Guddiga Joogtada ah loo qeybiyey xeerarka uu Goluhu ku ansixiyey kalfadhigii 48-aad ee Golaha wakiillada, Madaxweynuhuna saxiixay, Faafinta rasmiga ahna lagu soo saaray, si guddiyadu ay dabagal ugu sameeyaan dhaqangalkooda.

Ugu dambeyn, Guddiga Joogtada ah ayaa ansixiyey kororka madax-miisaaniyadeedka Mashruuca (Somali Urban Resilience Project I) ee uu maalgeliyo Bangiga Aduunku, kaas oo ka mid ah mashaariicda taageera dhismaha waddooyinka magaalada Garoowe, kororkaas oo ay Wasaaradda Maaliyaddu u soo gudbisay Golaha Wakiillada.

Idilnews