Halkee marayaan howlgalada Ciidanka Puntland ee Buuraha silsilada Golis ?

G/Sare Saciid Nuur Shire Taliyaha Ciidamada difaaca dawlada Puntland ee silsilada Golis, ayaa kormeer shaqo ku taggay qaar ka mid ah fariisimaha iyo goobaha kale ee shaqo ee ay ku sugan-yihiin ciidamadu ee buuralayda silsilada Golis, waxa uu u kuur-gallay habka ay shaqadu u socoto iyo dadaalada ay ciidamadu ku sifaynayaan haraadigga kooxaha burcad-diimeedka ah ee ku dhuumaalaysanaya buuraha silsilada Golis.

Taliyaha ayaa warbixino ka dhagaystay saraakiisha ciidanka hogaaminaysa, waxa ayna la wadaageen guulaha ay ka gaareen la dagaalanka kooxahaas, goobaha ay ciidamada gacanta ku dhigeen maalmihii lasoo dhaafay iyo hawl-galadda kale ee qorshaysan.

Taliye Saciid ayaa ku dhiiri-geliyay ciidanka hawsha adag ee ay hayaan iyo waajibaadka qaran ee ay gudanayaan, waxa uu tilmaamey in ay ka guulaysan doonaan kooxaha argagixisada ah, ciidamada difaaca dawlada Puntland ee silsilada Golis-na ay ka go’antahay soo af-jarista tirada kooban ee ka hartay kooxaha burcad-diimeedka ah.

Idilnews