Madaxweyne Deni “Ciidamada waxaan uga digay inay ku milmaan Siyaasadda” (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa uga digay guud ahaan laamaha Amniga ee ka howlgalla degaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya in ay ka digtoonaadaan in ay ku milmaan Arrimaha Siyaasadda.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in laamaha Amniga laga doonaayo in ay qeyb ka noqdaan xaqiijinta goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, balse aysan u kala safan Karin dadka Musharaxiinta ah ee doonaya kuraasta labada Aqal.

Siciid Deni ayaa soo jeediyay in dalka uu gali karo xaalad halis ah haddii laamaha Amniga ay faragaliyaan arrimaha siyaasadda, ayna meesha ka baxayso kaalintii dhexdhexaadnimada iyo ciidanimada.

Idilnews