Maxaa ay ku heshiiyeen Farmaajo iyo Rooble ?

Kulan uga socda madaxtooyadda villa somalia Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, loogana hadlayay xalinta khilaafka labada masuul ayaa soo dhamaaday goor-dhaweyd.

Khilaafka labada nin ayaa salka ku haya kiiska Ikraan Tahliil oo kamid aheyd saraakiisha Hay’adda NISA oo la dilay, iyo xil ka qaadistii Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku sameeyay Fahad Yaasiin oo ahaa Agaasimihii NISA laguna tuhmayo dilka Ikraan.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegay Idilnews in labada dhinac ay gaareen is afgarad, ayna u badan tahay in goor-dhow lasoo saaro War-murtiyeed.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Farmaajo uu ogolaaday in Kiiska Ikraan Tahliil loo daayo laamaha cadaaladda, sidoo kalena Bashiir Goobe uu noqdo Agaasimaha KMG ah ee NISA, taas bedelkeedana uu Farmaajo dalbaday inaan laga ceyrin shaqada saraakiisha NISA ee ku dhow dhow ilaa lagu helo dambi.

Idilnews