Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalada Gaalkacyo (VIDEO)

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa shir gudoomiyey Shirka Amniga Gobolka Mudug, Shirkan ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiye ku Xigeenka 1aad iyo Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Taliyaha Aaga Ciidanka Daraawishta Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo iyo masuuliyiin kale.

Shirkan oo saacado socday ayaa ugu danbayntii laga soo saaray Go’aan lagu manuucayo in gudaha Magaalada Gaalkacyo lagu dhex qaato hubo si loo xoojiyo Amniga Shacabka Gobolka Mudug, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur.

Idilnews