Shiinaha oo $ 31 milyan ugu deeqay Afghanistan

Shiinaha ayaa ku dhawaaqay 31 milyan oo dollar oo gargaar ah oo uu siinayo Afghanistan, taas oo u muuqata mid ka mid ah ballanqaadyadii ugu horreeyay ee shisheeye ee gaara waddanka ay ka taliso Taalibaan.

Gargaarka Shiinaha ee Afghanistan waxaa ku jiri doona cunto, sahayda cimilada qaboobaha iyo tallaallada COVID-19.

“Shiinuhu wuxuu go’aansaday inuu si degdeg ah u siiyo $ 30.96 milyan oo u dhiganta (200 milyan oo lacagta shiinaha ee yuan), iyadoo loo eegayo baahida dadka Afghanistan,” ayaa laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Xinhua.

Isagoo la hadlayay dhiggiisa waddamada Pakistan, Iran, Tajikistan, Uzbekistan iyo Turkmenistan, Wasiirka Arrimaha Dibedda Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in kaalmadan ay gacan ka geysan doonto dib u dhiska dalka ay dagaalladu aafeeyeen. Wuxuu sidoo kale sheegay in Shiinuhu uu gacan ka geysan doono la dagaallanka argagixisada iyo ka ganacsiga maandooriyaha sharci darrada ah.

Ku dhawaaqista xirmada gargaarka ayaa timid isla maalintii uu Shiinuhu sheegay inay sii wadi doonaan xiriirka ay la leeyihiin xukunka Taalibaan, kadib markii ay qaadeen “tallaabadii lama huraanka aheyd” ee ay ku dhiseen dowlad ku meel gaar ah.

Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkan ka digtay in Afghanistan ay wajahayso “saboolnimo baahsan” bartamaha sanadka soo socda haddii aan la xoojin dhaqaalaha dalkaas.

Danjiraha Pakistan ee Washington Asad Majeed Khan ayaa VOA u sheegay inay ula muuqato in beesha caalamku ay gacan ka geysato sidii Afghanistan uga gudbi laheyd dagaalka dhaqaale ee ay ku jirto.

VOA

Idilnews