Villa Somalia oo uu ka socdo kulan u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble

Kulan u dhexeeya Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa ka socda Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, kaas oo xal loogu raadinayo khilaafka Labada masuul.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Wasiirka Waxbarashada XFS iyo Wasiir kuxigeenka Warfaafinta ayaa Goobjoog ah kulankan, iyadoona uu noqonaya kii labaad ee ay isku arkayaan Farmaajo iyo Rooble, tan iyo markii uu soo bilowday khilaafkooda oo salka ku haya xil ka qaadista Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin iyo cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil oo kamid aheyd Saraakiisha NISA, laguna tuhmayo dilkeeda Fahad.

Idilnews