Ra’iisul Wasaare Rooble oo joojiyay in lacag lagala baxo Bangiga DFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa amar kusoo rogay Wasaaradda Maaliyadda XFS, isagoona faray Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle in aysan jiri karin lacag ka baxda Wasaaradda oo uusan fasixiin Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si gaar ah amar ugu bixiyay in aan wax kharash ah laga bixin karin lacagta Hey’adda IMF ee qoondada Dowladda Federaalka ee loo yaqaan SDRs, iyadoo aan ogolaansho laga helin Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale, Wasaaradda Maaliyadda ayuu faray in mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeega dowladda, in marka ay mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda waajibaadkooda shaqo ka gutaan ay ogolaansho ka helaan Ra’iisul Wasaaraha, inta aan la bixin wax lacag ah.

Waraaqdan oo soo baxday 9 bishan September, ayaa sidoo kale og ku siiyay xafiisyo ay kamid yihiin Bangiga iyo Hanti-dhowrka DFS, waxaana ay kusoo aadaysa xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Idilnews