Akhriso: Labada qodob ee ay isku mari waayeen Farmaajo iyo Rooble

Shirkii xalinta khilaafka Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xalay kusoo dhamaaday natiijo la,aan, kaddib markii ay ismari waayeen labada nin.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Idilnews u sheegay in shirka oo soo bilowday duhurnimadii shalay, la isku mari waayay labo qodob, kuwaas oo kala ah arrinta kiiska Ikraan Tahliil iyo Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda NISA.

Farmaajo ayaa la sheegay inuu dalbaday in hoos loo xaliyo kiiska Ikraan Tahliil, sidoo kalena lasoo magacaabo Agaasime cusub oo NISA yeelato oo ka wada socda labada dhanic, balse Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la sheegay inuu ku gacan seyray soo jeedintaas, isagoona soo jeediyay in kiiskaas loo daayo Hay’adaha cadaaladda, uuna NISA hoggaamiyo S/Guud Bashiir Goobe oo uu isagu magacaabay

Idilnews