Booliska Kenya oo ka hadlay kiiska Cabduwahaab Sheekh oo la waayay

Booliska dalka Kenya ayaa waxaa ay shaaciyeen inay billaabeen baariraanka kiiska Cabduwahaab Sheekh Cabdisamad oo ah falanweeye, kaas oo dhawaan la afduubtay muddo dhowr maalmood ahna maqan.

Madaxa waaxda dambi baarista Kenya, George Kinoti, oo la kulmay Hoggaanka Muslimiinta Kenya ayaa ballan-qaaday baaritaanno lagu xaqiijinayo halka uu ku sugan yahay Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad ay billaabeen, isla markaana ay rajeeynayaan inay heli doonaan halka uu ku dambeeyay.

“In ka badan 48 saacadood tan iyo afduubkii Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, waxaan dib ugu laabaneynaa Bartamaha Ganacsiga ee Nairobi oo ku teedsan wadada Turbman oo markii ugu dambeysay lagu arkay ayuu yiri” George Kinoti.

Warbaahinta Kenya gaar ahaan telefishinka Citizen, ayaa shaaciyay in falan qeeye
Cabdiwahab goobt uu kunsugnaa uu kula kulmay dad aan la garanayn “kuwaas oo ku qasbay inuu raaco gaari qafilan oo ku sii jeeday dhanka degaanka Muindi Mbingu Street, sidaasina lagu afduubtay.

Dhamaan hoggaanka Sare ee Muslimiinta Kenya iyo kooxaha Xuquuqda Aadanaha ayaa waxaa ay raadinayaan markhaatiyaal, sida arrinta loo cadeeyo, hayeeshee Madaxa waaxda dambi baarista Kenya, George Kinoti, ayaa sheegay in muddo 7 maalmood gudahood ah uu jawaabo ku heli doono halka uu ku sugan yahay Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

Ehellada Cabduwahaab oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay ka walaacsan yihiin Afduubkiisa, iyaga oo sheegay inay ku tuhmayaan in uu ka dambeeyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Idilnews