Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay Shabakad muddo la goobayay

Ciidanka Booliska Gobalka Mudug oo howlgallo ka wada magaaladda Gaalkacyo iyo degmooyinka kale ee Gobalka Mudug ayaa gacanta ku dhigay koox ka ganacsan jirtay maandooriyaha khamrida iyo xashiiska, kuwaas oo muddo ay ku dabajireen Boolisku.

Kooxda la qabtay oo ah rag shabakad ah oo ku caanbaxay ka ganacsiga maandooriyaha, ayaa laga soo kala qabtay degmooyinka Jariiban iyo Galdogob ee Gobolka Mudug, sida laga soo xigtay saraakiisha Booliska.

Sidoo kale, Saraakiisha Booliska Gobalka Mudug ayaa sheegay in ragan lala qabtay gaadiid ay khamrida iyo xashiishka uga soo qaadi jireen dalka Itoobiya, ayna dhowaan soo taagi doonaan Maxkamad.

Booliska Puntland ayaa xoojiyay la-dagaalanka maandooriyaha khamrida iyo xashiiska, waxaana dhamaan deegaanada Puntland ka soconaya howlgallo lagu beegsanayo dadka ka ganacsada maandooriyaha iyo gaadiidka lagu soo qaado oo Puntland ay sheegtay inay la wareegayso.

Idilnews