Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Gobalka Karkaar

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Karkaar, loogu magacaabay Cabdi Siciid Cismaan.

Cabdi Siciid Cismaan ayaa horey u ahaa Duqa degmadda Qardho, isagoona hoggaamin jiray Golihii deegaanka Qardho oo goor-dhaweyd uu kala diray Madaxweyne Deni, waxaana uu bedelayaa Gudoomiye Saciid Maxamed Faahiye.

Halkaan hoose ka Akhriso wareegtada Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 27 ee 12ka September 2021, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Karkaar.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdi Siciid Cismaan loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Karkaar.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

Idilnews